Siciid Deni oo ku dhawaaqay in Puntland ku laabatay doorashadii 66-da Xildhibaan

Dec 07 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ku dhawaqay xalay in Puntland ay aadayso nidaamkii doorasho ee ay kusoo dhaqmaysay 25-kii sano ay jirtay.

Saciid Dani ayaa hadalkaan ka sheegay shir jar’aaid uu ku qabtay magaalada Garowe, waxayna imaanaysaa iyadoo bilihii lasoo dhaafay uu Puntland hareeyay khilaafka dhashay nidaamka doorasho ee Puntland, kasoo u dhexeeyay mucaardka iyo xukuumadda.

Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in go’aankaan uu qaatay kadib markii dadka reer Puntland ay la qaada waayeen go’aankiisii ahaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu soo saaray hanaan doorasho oo kii mucaaradku uu rabay ah, isla markaana uu u gudbiyey baarlamaanka.

Go’aanka uu qaatay madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmay, iyadoo shalay isimmada SSC- Khaatumo ay soo jeediyeen in lagu laabto doorashadii baarlamaaaniga ahayd, balse waxay ku taliyeen in baarlamaanka hadda jira isagu soo doorto madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More