Siciid Deni oo magacaabay guddoomiyaha Maxkamada Sare Puntland iyo xubno kale

Mar 31 (Jowhar.com) –Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 21 ee 30ka March 2022 kuna saabsan dhismaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Saciid Deni ayaa u magacaabay guddoomiyaha maxkamada sare ee Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) halka guddoomiye ku xigeenka maxkamadana loo magacaabay Nuur Ciiise Maxamed.
Madaxweynaha Puntland ayaa xalay sidoo kale isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada isagoo buuxiyay xilalkii ay hayeen wasiiro ku biirey Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90-aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Markuu la tashtay : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiyah Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay

B. Keydka

Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
Cabdishaafi Axmed Cali Xubin

T. Xubno Guddi

Daahir Maxamed Nuur
Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More