Monday, August 10, 2026
Home NEWS Siciid Deni oo sheegay inuusan markale u tartami doonin xilka Madaxweynaha Puntland

Siciid Deni oo sheegay inuusan markale u tartami doonin xilka Madaxweynaha Puntland

31

Aug 10-(Jowhar)Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay xalay inuusan markale u tartami doonin xilka madaxweynaha Puntland. Siciid Deni oo ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay warkan xilli muddo xileedkiisa ay ka hartan tahay muddo ku dhow laba sano iyo bar.

Waxa uu Madaxweyne Deni sheegay in xisbigiisa Kaiah uu yeelan doono musharrax u tartama doorashada madaxtinimada Puntland, isagoo xusay in dastuurka Puntland u oggolaanayo madaxweynaha in laba jeer la doorto.

“Dastuurku laba jeer ayuu ii oggolaaday madaxtinimada Puntland, laba jeerna waa la ii doortay. Laba sano iyo bar ayaa ii harsan. Ninka doonaya xilka ha is keeno. Doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda, xisbigeennuna musharrax ayuu yeelanayaa oo aan dhiseynaa,” ayuu yiri Deni.

Deni ayaa xilka madaxweynaha Puntland qabtay January 2019, waxaana mar labaad loo doortay Janaayo 2024, taas oo ka dhigan in muddo-xileedkiisa labaad uu weli socdo.

Ku dhawaaqista inuu ka haray u tartamida xilka Madaxweynaha Puntland ayaa Meesha ka saaraysa warar sheegayay inuu Deni doonayo inuu waxkabedel ku sameeyo dastuurka Puntland kaasoo ogolaanaya in labo jeer qofku uu madaxweyne ka noqon karo.

Mucaaradka Puntland ayaa muddooyinkii dambe si gaar ah uga digayay wax kasta oo loo fasiran karo isku day lagu doonayo in lagu kordhiyo muddada xilka madaxweynaha ama lagu hareer maro xaddidaadda dastuuriga ah ee labada muddo-xileed.