Siciid Deni oo si adag uga hadlay xiisada kasoo cusboonaatay goblka Gedo, fariinna u diray dowladda

Jun. 15 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa soo fara geliyay xiisada ka taagan gobolka gedo ee salka ku heyso diidmada shacabkaasi ay kala hor-yimaadeen maamulka cusub ee madaxweynaha Jubaland usoo magacaabay gobolkaasi.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ayaa muujiyay wlaaca maamulkiisa uu ka qabo xasilooni daro ka dilaacda gobolkaasi, isagoo ugu baaqay madaxda dowladda ee la qiimeeyo rabitaanka shacabka.

“Puntland waxay walaac ka qabtaa xasilooni daro ka ka dilaacda Gobolka Gedo Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Dawlada Federalka in aysan ku kicin ficilo la mid ah kuwii iyagu dhibane u noqdeen oo loogu diiday in ay safraan”  ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Maalin kahor waxaa garoonka magaalada Garbahaareey laga celiyay diyaarad siday gudoomiyaha cusub ee gobolka gedo, shacabka magaalada ayaa sheegay in Axmed Madoobe aaney ka talin aayaha gobolka, taasoo keentay in diyaaradii ay dib u laabato.

Maxamuud Seyd Aadan madaxweyne kuxigeenka Jubaland ayaa isagu tilmaamay in diyaarada ay u laabatay kadib markii laga damiyay raadaarkii laga hagi lahaa, wuxuuna siyaasiyiinta gooblka ka dlabaday iney taageeraan isbedelka cusub.

Xiisada gobolka Gedo ayaa wlai ah mid kacsan, lamina oga sida ay wax noqon doonaan, dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa iney xanibaad saarto diyaaradaha taga gobolka, si shacabka ay ugu qasabto iney qaabilaan maamulka cusub

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More