Sissi oo markii saddexaad loo doortay Madaxweynaha dalka Masar

Dec 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dalka Masar Cabdel Fattaax Al-Sisi ayaa markiisii saddexaad ku guuleystay doorashada dalkaas, isagoo helay wax ka yar 90% codadkii la dhiibtay, doorasho la qabtay todobaadkii hore, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Waxaa isaga la tartamayey saddex musharrax – balse midkoodna looma arkeynin in uu yahay siyaasi weyn oo laga yaqaano dalka Masar.

Sisi ayaa markii ugu horeysay noqday madaxweyne sanadkii 2014-kii –isagoo ku guuleystay 97% codadkii la dhiibtay. Isla saamigaas ayuu ku guuleystay 2018.

Guushan waxay ka dhigan tahay inuu xukunka sii hayn doono illaa 2029, markaas oo dastuurku u diidayo inuu mar kale isa soo sharaxo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More