Siyaasiyiin Miisaan culus leh oo caawa isaga baxay Madasha Samatabixinta

0
4

Aug 23 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyeyaashi hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dahir Geelle ayaa caawa ku dhawaaqay inay iska casileen xubinnimada Madasha Samatabixinta.

Xubnahan ayaa mowqifkooda ka bixitaanka Madasha ka sheegay fadhi ay isugu yimaadeen Xubnaha Madasha Samatabixinta, iyagoo caddeeyay inay furanayaan xisbiyo.

Mas’uuliyiintan ayaa horay loo hadal hayay inay dhinaca Villa Somalia jireen kulamadii u dambeeyay ee wada xaajoodyada ee dhex maray DFS iyo Madasha Samatabixinta.

Is casilaada Siyaasiyiintan ee Madasha Mucaaradka ayaa ku soo aaday, iyadoo maanta Guddiga Madax Bannaan ee Doorashooyinka uu shaaciyay inuu muddo labo todobaad uu dib u furay is diiwaan gelinta Axsaabta siyaasadda iyo cod bixiyeyaasha.