Siyaasiyiin miisaan culus leh oo mucaarad kala hortagay madaxweyne Xasan Sheekh
Oct 19 (Jowhar.com)-War murtiyeed ay wadajir u soo saareen Mas’uuliyiin hore oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore, Guddoomiyeyaashi hore Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore.
Ayay kaga soo horjeesteen in go’aankii siyaasiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu la wadaagay bulshada Soomaaliyeed, waxaana ay tilmaameen inuu ahaa mid uu ku kala qeybinayo dalka iyo dadka.
Sidoo kale ay suurta gal aheyn in dalka uu yeesho nidaamka Madaxtooyada ee Madaxweyne, iyo Madaxweyne kuxigeen iyo labo xisbi oo kaliya, iyagoo caddeeyay in Madaxweynuhu ka baxay balanqaadkii Shirkii Decale ee 11-12 July 2023.