Somaliland iyo SSC oo dagaal culus ku dhexmarayo Laascaanood

Dowladda Itoobiya oo ku guul dareysatay wadahadal ay ka dhex waday Somaliland iyo SSC

June. 24 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasoo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Dagaalka oo xoogiisa ka socdo jiidda bari ee magaalada ayaa la isu adeegsanayaa rasaasta noocyadiisa kala duwan, dadka deegaanka ayaa ku waramaya in khasaare xooggan uu ka dhashay dagalka oo ah kii ugu xooganaa ee mudooyinkla dhexmara labada ciidan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mararka qaar la maqlayo madaafiic ay isweydaarsanayaan labada dhinac, waxaana baqdin ay soo wajahday shacabka ku nool aagga lagu dirirayo.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii lasoo dhaafay ay isu bira tumanayeen labada dhinac, waxaana jirtay hanjabaado ay hawada isu marinayeen, taasoo salka ku heyso iney dagaalami doonaan.

Colaada Laascaanood oo socota mudo ku siman Shan bilood ayaa waxaa ku naf waayay dad ka badan 700 ruux, halka dhaawaca uu laba kun kusii dhow yahay, iyadoo shacabkii ugu badnaa ay isaga carareen magaalada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More