Somaliland oo ciidamo hor leh kusoo daabuleyso Laascaanood iyo dagaal socda
Mar. 06 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Somaliland ay ciidamo hor leh ku soo daabuleyso magaaladaasi oo todobaadyadii la soo dhaafay dagaal culus uu ka socdo.
Sawirro la helay ayaa muujinaya Somaliland oo ciidamo kusoo daabulaysa Laascaanood iyada oo laga soo saaray ciidamada deegaanka Ceelafwayn oo ka tirsan gobalka Sanaag halkaasi oo ay awal ku kala dhex jireen rabshado Beeleed halkaasi ka taagnaa.
Arrintan ayaa muujineysa in maamulka Muuse Biixi uu wali ka adkaan la’yahay ciidamadda deegaanka ee diidan joogitaanka Somaliland ee dhulkooda, iyadoo aan la ogeyn waxa ay xaaladda ka bedeli karaan ciiidankan cusub.
Dhinaca kalena, duqeymo culus ayaa laga soo sheegaya magaalada Laascaanood oo ay ka wado Somaliland, hubka la maqlayo ayaa kamid ah midka ka dhaca Kaaraha, lama soo sheegin khasaaraha madaafiicdan ka dhashay.
Labadii maalin ee la soo dhaafay ma jirin wax dagaalo ah oo waxaa waan waan labada dhinac ka dhex waday dowladda Itoobiya oo wafdi ka socday ay Hargeysa iyo Garowe kula shireen madaxda Somaliland iyo kuwa SSC, dadaaladaasi ayaa u muuqda iney dhicisoobeen maadaama dagaalkii uu dib u bilowday.