Somaliland oo dil qisaas ah ku fulisay Shan qof

Nov 01 (Jowhar.com)-Somaliland ayaa maanta dil qisaas ah ku fulisay shan nin oo hore maxkamadi ugu xukuntay dilka.

Toogashadan ayaa ka dhacday deegaanka Mandheera oo u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu dhawaan sexeeyay in la fuliyo qisaasta dadka saaka dilka lagu fuliyay, oo aan magacyadooda iyo noocyada dilalka ay galeen anay wali xukuumadu baahin.

Mas’uuliyiinta Somaliland oo ku sugnaa goobta xukunkan laga fulinahau ayaa sheegay iney sidan u toogan doonaan cidii fal dil ah si ula kaca u geysato.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More