Somaliland oo ficiladii looga bartay Shabaab ka bilowday Laascaanood

Mar. 04 (Jowhar.com-Duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay qafaasheen dad aan qeyb ka aheyn dagaalka socda, halka qaarkood ay dileen, sida uu sheegay.

“Somaliland waxay maxaabiis ahaan u kaxeysteen dadkii beeraleyda ahaa ee magaalada ka agdhawa iyo dadkii reer guuraaga ahaa ee xoolo dhaqatada ah iyo wax ma haystadii ka agdhaweyd magaalada, oo leeyihiin waxaa haysana maxaabiis dagaal, mana ahan ee waa dadka sidaas ah.”

Waxa uu shaaciyay in Somaliland xasuuq ay ka wado magaalada Laascaanood, isagoo cod dheer ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka iney garab istaag u muujiyaan dadka SSC oo duulaan culus lagu soo qaaday.

“Magaalada waxaa ka socda xasuuq bini’aadannimo, cadowtinimo, ciribtir iyo wax aan hore u maqal, waxaas oo dhan waxaa masuuliyadeeda iska leh ciidamada Somaliland iyo cidda ay ka amar qaadanayaan ee xukunta. Dhibaatada intaas le’eg inay ka dhacday Laascaanood ayaa waxaa u cadeynayna umadda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta oo ay khuseyso.”

Si kastaba, xaaladda magaalada Laascaanood ayaa wali ah mid aan daganeyn, waxaana dagaalkii todobaadyadan ka socday halkaasi ui galaaftay nolosha kudhiwaad 300 qof, halka dhaawaca uu kudhow yahau 700 ruux, xaaladda ayaa wali ah mid aad u adag.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More