Somaliland oo gacanta ku dhigtay rag ka danbeeyay dilal ka dhacay Hargeysa

Dec 04 (Jowhar.com)-Taliska ciidanka booliska Somaliland ayaa shaaciyay xogta howlgal ay ka sameeyeen magaalada Hargesa oo ay ku soo qabteen laba nin oo dilalka qorsheysan ka geysatay magaaladaasi.

Qoraal kasoo baxay booliska oo warbaahinta lala wadaagay ayaa lagu sheegay in labadan dhalinyarada ah ay mas’uul ka ahaayeen dil Hargeysa loogu geystay nin darawal takaasida ahaa.

Labada eedeysane ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xamse Cabdi Saleebaan oo 23 sano jir ah iyo Ayaanle Muxumed Xaashi oo isna ah 22 sano jir, waxaana loo haystaa inay dil iyo dhacba u gaysteen Marxuum Maxamuud Xasan Dacar  oo ahaa wadaad 46 sano jir ahaa.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaasha  kala ah 1- Xamse Cabdi Saleebaan ina Sahra Cabdi 23jir 2- Ayaanle Muxumed Xaashi  ina Faadumo Maxamed  22jir oo ku eedaysan  inay  14-11-2023ka Ku dileen marxuum Maxamuud Xasan Dacar  ina Qamar Ducaale 46jir Isha Cobosha Masallaha Galbeed  kuna dhuftay 9-Mindiyood , kadibna baadhay qaatayna    mobile-kiisii , waxaana loo hayaa markhaatiyaal cadcad inay  Marxuumka dileen, marxuumka ayaa ahaa darawal  ku shaqaysta Gaaddiidka dadweynaha ee loo yaqaan (Probox-ta), waxaanay  yidhaahdeen naga kiree , iyagoo markii dambana halkaasi ku dilay Marxuumka alle ha u naxariistee” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday taliska Booliska Somaliland.

Sida wararku tilamamayaan, Eedeysanayaashan ayaa sidoo kale loo haystaa fal kale oo lagu dhaawacay muwaadin lagu magacaabo Mustafe Cali Cabdilaahi oo isna ah darawal, waxayna u gaysteen dhac.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More