Somaliland oo ka dalbatay beesha caalamka iney si toosa usiiyaan kaalmada iyo deeqaha

April 22 (Jowhar.com)-Wasiirka Qorsheynta maamulka Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dallalka deeqda bixiya ay tahay in ay toos kaalmadooda u siiyaan Somaliland, oo aanay cid kale wax ugu soo dhiibin.

Arrintan ayuu sheegay iney uga gol leeyihiin in meesha laga saaro hanaanka haatan kaalmada loo siiyo oo loosii marayo dowladda Soomaaliya.

‘’Waxaynu ka codsanaynay deeq bixiyayaasha caalamiga ah in deeqda dadka reer Somaliland ay siinayaan in ay si toos ah ugu cawiyaan Somaliland, ama hay’ad calami ah ha u soo mariyaan ama shirkad gaar ah ha u soo mariyaan ama Dawladda Somaliland ha ugu dhiibaan ama iyaguba toos ha u fuliyaane, sababta aan sidaas u lahayna waxa weeyaan Soomaaliya iyo Somaliland berigii hore isku wadan bay ahaan jireen, laakiin hadda waa labo wadan oo kala duwan’’ ayuu yiri Wasiir axmed Toorno.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya 1991 kii laakiin wali dunida ma aqoonsan, waxana loola macaamilaa sidii gobol Soomaaliya kamid ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More