Somaliland oo ku dhawaaqday iney heshay shidaal, lana soo saarayo

Jan. 09 (Jowhar.com)-Somaliland ayaa xaqiijisay in shidaal laga helay deegaanka Salaxley ee ka tirsan gobolka Maroodi jeex, sida uu shaaciyay wasiirka tamarta iyo macdanta Somaliland, Cabdillaahi Faarax Cabdi.

Wasaaradda waxay sheegtay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen shidaalka, Waa shidaalkii ugu horreeyay ee laga helo deegaanka.

Wasaaradda tamarta iyo macdanta ayaa intaas ku dartay in shirkadda tarmarta Genel ee laga leeyahay Ingiriiska ay sameyn doonto baaritaan dheeraad ah isla markaana sameyn doonto shidaal qodista.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay si caro ku dheehan tahay uga hadashay howlo ay shirkad shidaalka qodda ka sameysay deegaanno ka tirsan Somaliland, arrintaas oo markii dambena ay war kasoo saareen mas’uuliyiinta Somaliland qudhooda.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku diidday wax ay ugu yeertay “sheegasho sharci darro ah” oo ay shirkadda Genel Energy ku sheegtay in ay heysato fasax ay sahmin shidaal uga sameyso Somaliland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More