Somaliland oo lagu eedeeyay iney dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalka Laascaanood

Somaliland oo lagu eedeeyay iney dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalka Laascaanood

Mar. 19 (Jowhar.com)-Isimda SSC ayaa maamulka Somaliland ku eedeeyay iney si bareer ah u dileen maxaabiis ay ku qabteen dagaalkii u danbeeyay ee labada dhinac shalay ku dhexmaray duleedka magaalada Laascaanood.

Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaanood ku sugan Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug ayaa xaqiijiyay dhacdadan, dhankooda ayuu sheegay iney maxaabiis ku qabteen dagaalka balse ay si wanaagsan ula dhaqmeen.

“Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayeena waa la haya” ayuu Gaylan Media u sheegay Caaqil Falaalug.

Majirto wax jawaab ah oo ay arrintan ka soo saareen dhanka Somaliland, waxeyse xaqiijiyeen iney jiraan maxaabiis dagaalkii Sabtidii ay ku qabteen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More