Somaliland oo madaafiic culus ku garaacday magaalada Laascaanood

Aug 20 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamadda Somaliland ay madaafiic culus ku garaaceen magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaasi kusio daraya in ilaa 10 hoobiye ay ku dheceen magaalada, kuwaasoo laga soo tuurag dhanka saldhigga Goojacade oo ay gacanta ku heyso Somaliland.

Ilaa iyo haatan lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicdan oo qaarkood la sheegay iney ku dheceen goobo ay dad shacab ah ku sugnaayeen.

Majirto wax war ah oo ay duqeymahan kasoo saareen isimada dhaqanka ee SSC iyo maamulka Somaliland oo mudo kudhow 8 biloow ku dagaalamaya magaalada Laascaanood

Si kastaba, Maalmo kahor madaafiicda bahalnimo ee Somaliland ayaa dishay Allaha u raxmadee Abwaan Jaamac Kadiye oo kamid ahaa abwaanada sida weyn looga yaqaano dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More