Somaliland oo qaadeyso talaabo adag oo ka dhan ah xisbiyada Wadani iyo UCID.

August 04 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan balaaran oo looga hadlay amniga, kaasoo ay isugu yimaadeen wasiiro ka tirsan Somaliland, laamaha kala duwan ee amniga, maamulka degmooyinka Hargeysa iyo guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.

Sida wararku sheegayaan, kulankan waxaa intiisa badan diirada lagu saaray sidii talaabo adag oo dhinaca sharciga ah looga qaadi lahaa mas’uuliyiinta axsaabta mucaaradka oo wado abaabulka banaanbax amniga khalkhal lagu galinayo, sida ay hadalka u dhigeen.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahi Axmed oo shir-guddoomiyay kulanka ku saabsanaa xoojinta amniga, ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed lagu sheegay in marnaba ay xukuumado aqbaleyn qabsoomida mudahaaradyada ay qorsheynayaan mucaaradka kasoo horjeeda xukuumadda.

“Cid kasta oo isku dayda in ay amniga wax u dhimaan iyaga oo ku soo dhuumanaya Mudaharaad sharci darro ah, tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, wixii ka yimaadana waxaa qaadaya masuuliyadeeda ciddii soo abaabushay,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Si kastaba, waxaa dhawaan fashilmay wadahadalo u dhexeeyay mucaaradka iyo xukuumadda, iyadoo hoggaanka xisbiyada Wadani iyo UCID ay ku hanjabeen iney qabanayaan mudaharaadyo ka dhan ah daaha doorashooyinka oo lagu balansan yahay bisha November, walow wax dhaqdhaqaaq ah aanu socon.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More