Somaliland oo shuruudo adag ku xirey Dib u bilaabida wadahadalada dowlada Soomaaliya

Dec. 08 (Jowhar.com) -Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay shuruudo gaaraya toddoba,si dib loogu bilaabo wadahadaladii u dhexeeya Maamulkaas iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxtooyada Somaliland ayaa soo saaray qoraal la sheegay inuu jawaab u yahay war uu dhawaan u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka ee Muqdisho ku sugan kaasoo ahaa inay ka go’an tahay in dib loo billaabo wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay ku sugan yihiin dalka Jabuuti Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi.
Toddobada qodob ee Maamulka Somaliland uu soo saaray ayaa kala ah;

1. Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa hanaan iyo laba dawladood ah. Sababtoo ah waxaan ahayn laba dawladood oo xor ah oo si iskood u midoobay 1-dii Luulyo, 1960-kii. Waxaa intaas dheer, Somaliland waxay 31-kii sannadood ee u dambeeyay ahayd dawlad madaxbannaan oo ku naaloonaysa nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hirgelisay dhowr doorasho oo xor iyo xalaal ah. Somaliland waxaa ka dhacay shan xil wareejin madaxweyne oo nabad ah. Waxaa saddex ka mid ah loo maray doorashooyin toos ah.

2. Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo loo fuliyaa si deg deg ah. Tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsooni.

3. Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin caalami ah oo dhexdhexaad ah, kaas oo sidoo kale dammaanad qaadaya natiijada wada-hadalka.

4. Waa inay jirtaa xoghayn maamusha kaydinta xogta. Xoghayntu waa inay noqotaa mid karti leh, xirfad leh, dhexdhexaad ah oo aan eex lahayn oo si adag sir u ah.

5. Waa inay jiraan mabaadi’ muhiim ah iyo xeer hab-dhaqan oo wada-hadalka saldhig looga dhigayo.

6. Waa inuu jiraa ajende muhiim ah oo wax ka qabanaya arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka u dhexeeya dhinacyada.

7. Waa in wada-hadalku uu lahaadaa waqti xaddidan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More