Feb 18(Jowhar)-Somaliland ayaa cambaareysay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, kuna tilmaantay faragelin aan la aqbali karin.
Somaliland waxay sheegtay in go’aannada arrimaha dibadda ee Geeska Afrika ay leeyihiin dowladaha gobolka, isla markaana ay sii wadi doonto dadaalladeeda xiriir iyo aqoonsi-raadinta si nabdoon.
Madaxweynaha Turkey oo shalay ka hadlay Adis Ababa ayaa ka soo horjeestay waxa loogu yeeray aqoonsiga Somaliland.










