Soomaali ka mid noqotay tahriibayaal ku dhintey dalka Giriigga

Waxaa la xaqiijiyay in tahriibayaal meydadkooda laga helay xadka u dhexeeyay Turkiga iyo Giriigga labo ka mid ah ay yihiin Soomaali.

Meydadka oo tiradoodu gaareyso 18 ayaa laga shakisan yahay weli in tiro kale oo tahriibayaal Soomaali ah ay ka mid yihiin meydadka la helay.

Afar qof oo kale oo laga shakisan yahay inay Soomaali yihiin ayaa la baarayaa, iyadoo bulshada Soomaalida ahna laga codsaday inay gacan ka gaystaan aqoonsiga maydadkaasi.

Turkiga ayaa saraakiisha xadka ee Giriigga waxa uu ku eedeeyay in kooxdaasi uu xoog dib ugu soo celiyay xadka, sidaasna ay ku timid dhimashadooda, halka Giriiggu uu arrintaasi gaashaanka u daruuray.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa ku sugan dalka Turkiga kuwaas oo doonaya in ay u tahriibaan dalalka Yurub iyagoo sii maraya wadanka Giriigga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More