Soomaali madaxiisa la dul-dhigay $1 milyan oo lagu qabtay Kenya.

June 01 (Jowhar.com)-Booliska la dagaallanka argagixisada ee Kenya ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah laba Nin oo lagu eedeeyay ugaarsiga sharci darrada ah iyo ka ganacsiga daroogada kaas oo la qabtay isaga oo isku dayay in uu ka gudbo sohdinta Soomaaliya.

Badru Abdul Aziz Salax ayaa laga qabtay Libooyo Kenya,waxaa uu ka gudbayay sohdinta Soomaaliya isaga oo dhinaca Soomaaliya u socday sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay The  Nation oo ka soo baxa Kenya.

Laanta dambi baariska ee Kenya iyo Safaaradda Mareykanka ee Naiorbi ayaa todobaadkii hore baahiyay magaca iyo sawirrada laba Nin oo uu Mareykanka ku raadjoogo kuwaas oo ka shaqeeya ka ganacsiga Daroogada iyo Ugaarsiga sharci darrada ah,waxaana madaxooda kiiba la dul dhigay hal Milyan oo dollar.

Saalix ayaa la qabtay halka wali lagu raad joogo Cabdi Xuseen Axmed, oo ay hay’adaha amniga Kenya sheegeen in isna lagu raadinayo Ninka la qabta.

Ilaa hadda ma kala cadda in soo qabashada saalix ay sahashay in uu qofsheegay kaas oo qaadanaya abaalgudka hayeeshee safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa bulshada uga mahadcelisay xogta ay siiyeen hay’adda dambi barista Kenya oo soo qabatay Ninkan.

Salax ayaa hadda ku xiran xabsi ay hay’adda la dagaallanka argagixisada ku leedahay Nairobi halka  lagu raad joogo Cabdi Xuseen Axmed oo isna lagu raadinayo hal Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More