Soomaaliya ayaa Xiriirka DIblumaasiyeed la soo ceshatay Dawlada Cuba

Apr. 03 (Jowhar.com)Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Maxamed Jaamac Haruuse oo maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Cuba Juan Manuel Rodríguez.

“Waxaan isla qaadanay danjiraha cusub oo farriin ka wadey madaxda sare ee dalka Cuba in labada dal dib u bilaabaan xiriir Diblumaasiyadeed oo ku dhisan iskaashi, wax wada qabsi iyo is xurmayn” ayuu yiri mudane Haruuse.

Xiriirka diblumaasiyaddeed ee Soomaaliya iyo Cuba ayaa bilowday 1972 (konton sano ka hor) wuxuuna hakad ku jirey illaa sannadkii 1977.

“Kadib markii la aasaasay xiriir diblomaasiyadeed intii u dhaxeysay 1972-1977, waxaan soo dhaweyneynaa dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Cuba oo lagu maamulayo iskaashi iyo is ixtiraam,” ayuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

Qoraalka wasiir Abshir ayaa intaas ku sii daray, “waxaa sharaf ii ah inaan ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Cuba u soo magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Juan Manuel Rodríguez.”
Xiriirka labada waddan ayaa xumaaday xilligii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii Cuba ay taageertay dhinaca Itoobiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More