Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wadahadlay sii xoojinta xiriirka Milatari

April 23 (Jowhar.com)-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xfs Mudane Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin.

Ayaa kulan kula qaatay Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya Saraakiil sar sare oo ka socday Wasaaradda Difaaaca Maraykanka, waxaana kulanka Qayb ka ahaa Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiin Maxamed Yuusuf iyo xubna kale.

Kulanka ayaana diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta Soomaalia iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinaca Amniga iyo sidii Dawlada Maraykanku u sii laba jibaari lahayd Tageerada ay siiso Dawlada Soomaalia.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xfs Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin iyo masuuliyiinta kale ayaa umahd-celiyay Saraakiisha kasocotay Dowladda Maraykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More