Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Jun 29 (Jowhar.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macallin Fiqi Axmed ayaa maanta kula kulmay Magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada wadan.
Kulankan ayaa labo geesoodka ayaa looga dan lahaa soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado dano wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

Waxaa kulanka diiradda si gaar ah loogu saaray dhinacyo badan oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, caafimaadka, duulimaadka iyo bankiyada , waxaa sidoo kale lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More