Jun 13 (Jowhar)-Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay U-Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Jamhuuriyadda Carabta Masar ee Soomaaliya S/Guuto Ahmed Fathi Abdisitar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada tababarrada ciidamada, taageerada howlgalka AUSSOM, iyo horumarinta xiriirka milatari ee ka dhexeeya Dalalka Soomaaliya iyo Masar.
Intii uu kulanku socday, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.
Dhankiisa, U-Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Masar S/Guuto Ahmed Fathi Abdisitar ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga, xasilloonida iyo horumarinta awoodda Ciidanka XDS.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarrada iyo dhismaha awoodda Ciidanka XDS.










