Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis lagu xoojinayo Amniga kala saxiixday

Feb 08 (Jowhar.com)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Difaaca ee dalkaas Yaşar Güler.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay kulankaan ayaa dowladda Turkiga ugu mahadceliyay kaalmada walaalnimo ee hagar la’aaneed ee mar walba Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed la garab taaganyihiin.

Kulanka Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Turkiga Yaşar Güler ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo dagaalka Khawaarijta oo xilligaan uu ka socda gobollada dalka.

“Waxaan maanta magaalada Ankara ee dalka Türkiye kulan kula qaatey walaalkeyga Mudane Yaşar Güler wasiirka difaaca ee Türkiye,Waxaan ka wada hadalney xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka Khawaarijta.”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale wasiirka ayaa ku tilmaamay heshiiska ay kala saxiixdeen dhiggiisa dalka Turkiga heshiis taariikhi ah ee Difaaca iyo Dhaqaalaha kaasoo sii xoojin doono amniga Soomaaliya iyo kan Gobolka.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Turkiga Yaşar Güler oo ka hadlay kulanka kadib ayaa yiri; “Waxaan si kal iyo laab ah u aaminsanahay in heshiiska qaab-dhismeedka difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee aan maanta saxiixnay uu horseedi doono horumar dheeraad ah oo ku saabsan xiriirka milatari ee labada dhinac.”

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir iskaashi iyadoo dowlada Turkiga ay Soomaaliya ka taageerto dhinacyo badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More