Soomaaliya oo laga cafiyay deymihii lagu lahaa

Dec 13 (Jowhar.com)- Bangiga Adduunka iyo IMF ayaa goordhow si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymaha wax ku oolka ah ee lagu lahaa, kaddib sannado soo socday hannaanka deynta cafinta oo shuruudo dhowr ah looga soo gudbay.

Barnaamijka SMP ee geeddiga u ahaa deynta cafinta ayaa soo billowday sanadkii 2016, kaddib markii Soomaaliya ay billowday inay buuxiso faylka shuruudaha deyn cafinta sanadkii 2012 iyo markii si rasmi ah dib ugu biirtay Hey’adda IMF sanadkii 2013.

Tallaabadan ayaa ka dhigan guushii labaad oo Soomaaliya ka gaartay caqabidihii ku horgudbanaa dowlad dhiska iyo madax bannaanida, kaddib markii dhowaan dowladda Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More