Nov 06(Jowhar)-Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine, oo xaruntiisu tahay magaalada Belgrade-Serbia, Mudane Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed.
Madaxweyne Zelenskyy waxa uu uga mahadceliyey Soomaaliya taageerada iyo isgarab taaga ay u fidisay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Ukraine, sidoo kale Soomaaliya ayaa waxaa ay door weyn ka qaadataa had iyo jeerba hindisayaasha caalamiga ah ee lagu doonayo in dalka Ukraine uu helo nabad waarta.
Dhanka kale Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa si weyn u tilmaamay doorka iyo tayadda dadka Ukraine ee sareynta heerkooda aqoonta, wax soo saarka, wadaninimadda iyo kaalinta uga jiraan dalalka iskood u halgama.
Danjiraha ayaa rajo weyn ka muujiyey in ay muhiim tahay sii xoojinta iyo kor u qaadista iskaashiga dhanka gacansiga iyo Waxbarashada ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ukraine. taas Waxaa laga gaari doonaa heshiis sharciyeed oo laba geesoodka ah iyo si looga faa’iideysto fursadaha iskaashi ee dhinacyada kala duwan leh.
Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa u rajeeyey Danjiraha guul iyo horumar, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirkan cusub oo ku dhisnaan doonaan saaxiibtinimo, is ixtiraamka iyo wax wada qabsi balaaran oo u dhexeyn doona Soomaaliya iyo Ukraine.
Dhanka kale, Danjire Mohamed Abdullahi oo uu weheliyo Ku-xigeenkiisa Mudane Ismail Adan ayaa kulan laba-geesood ah la qaatay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Ukraine si looga miro-dhaliyo xiriirka cusub ee labada dal. Sidoo kale, waxaa xusid mudan iyo Danjiraha iyo Ku-xigeenkiisa ay ay booqdeen Jaamacadda ugu da’da weyn dalka Ukraine oo dad magac iyo maamuus ku leh Dalkeen ay ka soo baxeen.











