Soomaaliya oo u codeysay qaraar lagu cambaareeynayo dowlada Ruushka

Mar 2 (Jowhar.com) Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay ka mid noqotay 141 waddan oo ka mid ah 193 wadan ee xubnaha ah Golaha Guud ee Qaramda Midoobay, inta lagu guda jiray kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo ahaa mid degdeg ah kaasoo loogu codeeyey qaraar cambaaraynaya duullaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine. Cod-bixinta ayaa maanta dhacday xilli uu kulan khaas ah yeeshay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wadamada kale ee qaraarkaasi taageeray waxaa ka mid ah Mareykanka, waddamada Midowga Yurub iyo kuwo kale oo ka tirsan qaaradda Asia.
Qaraarka waxaa ka soo horjeestay shan waddan oo kala ah Ruushka, Eritrea, Syria, Waqooyiga Kuuriya iyo Belarus,halka ay ka aamuseen 35 wadan.

Qaraarka ayaa ku baaqaya in dowladda Ruushku ay joojiso gulufka milatari ee dalka Ukraine ay ka waddo, islamarkaana ay ciidamadeeda kala baxdo dalkaasi.

Dowladda Ruushka ayaa Jimcihii codka qayyaxan ee veto saartay qaraar kan la mid ah oo la horkeenay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Safiirka Ukraine ee Qaramada Midoobay Sergiy Kyslytsya ayaa wuxuu kulanka ka sheegay in Ruushku u yimid in uu burburiyo Ukraine.

Waa kulankii ugu horeeyay oo degdeg ah oo goluhu isugu yeeray xubnaha tan 1997 kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More