Soomaaliya oo uga mahadcelisay Dowladda Mareykanka taageerada barnaamijka deyn cafinta

Sep 25 (Jowhar.com)-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta shir muhiim ah oo ku qabsoomay aaladda foggaan araga waxa uu la yeeshay Mr. Eric Mayer oo ah Ku-xigeenka Kaaliyaha Xogahayaha Waaxda Maaliyadda Mareykanka ee Arrimaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, qorshayaasha horumarinta kadib marka lagaaro barta kama dambeysta ah ee Deyn Cafinta Soomaaliya iyo taageerada Dowladda oo ay ugu horreyso maalgalinta iyo mashaariicda lagu caawiyo dadka dan yarta ah ee Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo faah-faahin kooban ka bixiyay kadib shirka, ayaa sheegay in uu uga mahadceliyay taageerada joogta ah ee Dowladda Mareykanka oo dhinacyo badan leh, uguna horreyso taageerada dhammaan heerarka laga soo maray barnaamijka deyn cafinta, iyo maalgalinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda.

Dowladda Mareykanka waxa ay ka mid tahay Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageero dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, Dowlad wanaagga iyo dib -u – dhiska Hey’addaha muhiimka ah ee Dowladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More