South Sudan oo beenisay inay ogolaatay in dalkeeda la keeno dadka Gaza

0
100

Aug 13 (Jowhar) Wasaaradda Arrimaha Dibadda South Sudan ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku beeninayso warar ay baahiyeen warbaahanno qaarkood, kuwaas oo ku saabsan in dowladdu ay wadahadallo la leedahay Israa’iil si Falastiiniyiinta looga soo rarayo Gaza la dajiyo gudaha dalka South Sudan.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin “kuwa aan sal iyo raad toona lahayn” isla markaana aysan ka tarjumayn mowqifka rasmiga ah ama siyaasadda dowladda.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan warbaahinta inay ka taxadaraan arrimahan, ayna xaqiijiyaan xogta ka hor intaan la daabicin, iyagoo adeegsanaya ilo rasmi ah.

Warsaxaafadeedkan ayaa imanaya xilli warar ay soo tebiyeen ilo kala duwan ay ku sheegeen in Israa’iil ay raadineyso meel lagu dejiyo dadka reer Qaza ee ka barakacay dagaalka ee dhulkooda ay dooneyso iney qaadato.