SSC iyo ciidanka Somaliland oo dagaal culus ku dhexmarayo Laascaanood
July. 18 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya Sool ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya SSC iyo ciidanka Somaliland uu ka socdo bariga magaalada Laascaanood, sidaas oo kale dhinaca Maraaga oo masaafo ka durugsan magaalada ayaa rasaas laga maqlayaa, sida ay xaqiijinayaan Goobjoogayaal kusugan gudaha magaalada.
Sida wararku sheegayaan, dagaalka ayaa ku bilowday, markii ay ciidanka Somaliland tan iyo xalay aagagan ka wadeen dhaqdhaqaaq ciidan.
Ciidanka SSC oo la socday xogta dhaq dhaqaaqa ciidankan ayaa rasaas ooda uga qaaday, taasoo keentay inuu goobta ka qarxo dagaal culus oo khasaare sababay oo kala gaaray labada dhinac.
Si kastaba, 6 Feb 2023 ayuu bilowday dagaalka u dhaxeeya dadka deegaanka & ciidanka Somaliland, xiligaas oo ay soo baxeen go’aamadii ay dadka deegaanku ku diideen joogitaanka Somaliland oo 15 sano haysatay Sool iyo Laascaanood.