SSC oo beenisay iney heshiis la gashay Odayaashii ka tagay Muqdisho ee xal doonka ahaa

Mar. 29 (Jowhar.com)-Isimada Dhaqanka ee SSC ayaa beeniyay iney heshiis la gaareen odayaashii ka tagay magaalada Muqdisho, kuwaasoo gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Suldaan Mustafe Aw-Seed oo kamida Isimada dhaqanka ee SSC ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada, isagoona meesha ka saaray iney wax wada-hadal ah la galeen odayaasha ka socday beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle.

Waxa uu tilmaamay in ergada ka tagtay Muqdisho ay soo dhoweeyeen, una fududeeyeen inay gaaraan magaalada Laascaanood, sababta ay Garowe ugu soo dageen ayuu sabab uga dhigay inay tahay Garowe dariiqa ugu sahlan ee loo maro  Laascaanood.

Suldaan Mustafe Aw-Seed oo ka hadlay kulan sagootin ahaa oo Odayaashan loogu sameeyay xarunta PDRC ayaa dhinaca kale ka dalbaday Somaliland iney u ogolaato ergadan iney wadahadal la yeeshaan, si ay u suura gasho ujeedka socodkooda oo ah iney u kala dab qaadaan dhinacyada isku hor-fadhiya magaalada.

Si kastaba, odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa ka horyimid in ergada Muqdisho ka tagay loo oggolaado inay tagaan Hargeysa, iyagoo ku eedeeyay in aanay  ahayn ergo dhex dhexaad ah ama aysan jirin sabab keeni karta in ay waan waan ugu yimaadaan Somaliland, iyagoo fadhigoodu yahay magaalada Garowe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More