SSC oo sheegtay inuusan quseyn ergeyga wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland
Apr. 03 (Jowhar.com)-Isimada Dhaqanka ee SSC ayaa soo dhaweeyay magacaabista madaxweyne Xasan ee ergeyga gaarka ah er wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo uu u mahacaabay C/kariin Xuseen Guuleed.
Garaad Saleebaan oo kamida Isimada SSC ayaa sheegay in magacaabista ergeygan aanu quseyn xiisada Somaliland iyo SSC ee gobolka Sool, balse howshiisa ay tahay oo kaliya wadahadalada la isugu soo dhaweynayo Muqdisho iyo Hargeysa.
Garaadka ayaa carabka ku goday in dhankooda wadahadaladaasi aanu wax shaqo ku leheyn, isagoo raja ka muujiyay inuu miro dhalo wadahadalka.
“Annagu wada hadaladaas nama quseeyaan. Wixii Somali weyn ka tahay baynu ka nahay. Waanse jecelnahay in wada hadaladaas ay miro dhalaan oo Soomaali midowdo, iskuna soo noqoto,” ayuu yiri Garaad Saleebaan.
Hadafka ay u dagaalamayaan ayuu ku sifeeyay iney tahay sidii ay Soomalaiya uga sii mid ahaan lahaayeen, balse Somaliland ay dooneyso iney go’do taasoo uu sheegay iney tahay mid aan soconeynin.
“Waxaan u dhimanaynaa oo dhulkeenna loo burburinayaa inala go’a”, innaguna waxaan leenahay “idinla go’imayno”,” ayuu yiri Garaadku.
Si kastaba, Somaliland ayaa iyaduna dhankooda soo dhaweysay magacaabista ergeyga, walow Puntland ay dhaleeceysay iyadoo ku tilmaamay ujeeddo siyaasiyadeed oo lagu dulminayo xaquuqda dadka kasoo jeeda gobolada SSC.