Taliska ciidamada Booliska Gaalkacyo oo ka hadlay aabbe diley labo carruur ah oo uu dhalay

May 24 (Jowhar.com)-Taliska ciidanka booliska ee magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay dhacdo naxdin leh oo maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo,halkaasoo aabbe Soomaaliyeed uu ku diley labo carruur ah oo uu dhalay.

Ninka dilka geystey oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamed Faarax ayaa nafta dhaafiyay labo wiil oo uu dhalay kuwaasoo da’adoodu ka yareyd 12 sano.

Taliyaha booliska qaybta ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire, oo BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay lasoo wargeliyay kaddib markii carruurta la waayay.

“Eedeysanaha oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Faarax, oo 43 jir ah, ayaa dilay labo ciyaal ah oo uu dhalay oo midna uu yahay 10 jir midka kalena yahay 11 jir, laguna kala magacaabo Idiris iyo Sakariye,” ayuu yiri Muumin Cabdi Shire oo ah taliyaha ciidamada Booliska gobolka Mudug.

Ninka dilka carruurtiisa ku eedeysan ayaa falkan ku gaystay guri uu magaalada Gaalkacyo ka daggan yahay, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.

Ninka falkan ka dambeeyay oo ay Boolisku hayaan ayaa la sheegay in carruurta uu hooyadood ka so waday isagoo u sheegay inuu geynayo xarun waxbarasho oo kuleej ah.

“Caafimaad darro noogama muuqanin laakiin waxaa jiray maandooriyeyaal xad dhaaf ah oo ay ciidanka soo qabteen, oo xashiish iyo khamri ah, waxaana aaminsan nahay in daroogada ay sababi karto.”ayuu sii raaciyay taliyaha cidamada Booliska.

Dhowr jeer oo hore ayuu sheegay inuu xabsiyo soo maray, laguna yaqaannay inuu maandooriyeyaasha isticmaalo, dambiyo kalena uu horay u galay.

“Boolisku markii ay guriga tageen waxay la kulmeen isagii oo qolka carruurta ku dilay qolkii kalena hurda. Waxaa loo tagay isagoo jiifa oo si caadi ah u hurdaya,” ayuu yiri Muumin.

Booliska Gaalkacyo ayaa baaritaan ku bilaabay kiiska la xiriira dilka labadan wiil ee walaalaha ah, waxaana lagu wada in maxkamad la horgeeyo eedeysanaha falkan ka dambeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More