Taliska Ciidamada Booliska oo raaligelin ka bixiyay jirdil loo geystey saxafiyiin

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay saxafiyiin maanta jirdil loogu geystey degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho isla markaana lagu faafiyay baraha bulshada iyagoo la ciqaabayo oo lugaha iyo gacmaha isaga xiran.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidamad Boolisku ka xun yihiin wixii ku dhacay saxafiyiinta ayna ka raaligelinayaan.

“Waxaan raaligelin buuxda u soo jeedinayaa weriyaasha soomaaliyeed ee sida qaladka ah loogu xadgudbay,saraakiishii hoggaaminaysay iyo ciidankooduna waxa uu taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed amray in la soo xiro waana la xirey.”ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska.

Afhayeenka ayaa ku tilmaamay saxaafada saaxibka ciidamada Booliska iyo bulshada Soomaaliyeed isagoo ammaanay howlaha ay saxaafada bulshada u qabato.

“Waxii dhacay ma ahan wax lagu farxo mana aha mid la isaga dabaharayo,waxaana socda baaris kuwii falka ka dambeeyay,ciidankana waxa uu u ballanqaadayaa saxaafada in si wanaagsan ula dhaqmi doonaan Booliska.”ayuu sii raaciyay afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Afar Wariye oo u shaqeynayay qaar kamid ah taleefishinada Soomaaliyeed ayaa maanta lagu jir-dilay meel u dhow saldhiga degmada Kaxda iyagoo u tegey halkaas sidii ay warbixino uga heli lahaayeen khasaaraha ka dhashay weerar xalay ay Alshabaab ku soo qaadeen saldhigga Booliska Kaxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More