Taliska Maraykanka Afrika oo duqeyn ka fuliyay deegaan ku dhow Kismaayo

Aug 27 (Jowhar.com)-War saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada maraykanka ee qaaradda Africa ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah oo ay qaadeen lagu dilay 13 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab.

Duqeynta oo aroornimadii sabtidii ka dhacday meel qiyaastii 45km woqooyi galbeed uga beegan magaala madaxda gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo, ayay maraykanku ku sheegeen inay ahayd is difaac.

Qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay timid kadib codsi ka yimic dowlada Federalka Soomaaliya.

“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa weerar is-difaacid ah oo wadajir ah oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab waxa uu ka fuliyay agagaarka deegaanka Seiera ee Soomaaliya, oo qiyaastii 45 KM waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.”ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka ka soo baxay AFRICOM.

“Weerarkan oo ahaa mid is-difaac ah oo wadajir ah ayaa dhacay subaxnimadii hore ee 26-ka Aug, waxaana lagu taageerayay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku howlanaa falal ka dhan ah argagixisada.”ayaa sidoo kale lagu sheegay Warsaxaafadeedka.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa war saxaafadeedka ku sheegay in qiimeyntii ugu horreysay lagu ogaaday in duqeynta lagu dilay 13 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Talisku wuxuu sii wadi doonaa inuu qiimeeyo natiijooyinka hawlgalkan wuxuuna bixin doonaa macluumaad dheeri ah sida ugu habboon. Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan qaybaha ay khusayso iyo hantida la isticmaalay lama sii deyn doono si loo xaqiijiyo ammaanka hawlgallada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More