Taliyaha booliska gobolka Bari oo lagu dhaawacay magaalada Boosaaso

Feb. 19 (Jowhar.com)-Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari, Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaad dhexmaray shacab careysab iyo ciidamadda amaanka.

Is-rasaaseyn ka dhalatay duminta guryo u dhow dekedda Boosaaso ayaa ka dhacday Boosaaso, iyadoo ciidamadda ay iska caabin kala kulmeen shacab ka careysan duminta guryohooda oo ay sheegayaan in loo maray sifo aan sharci eheyn.

Arrintan ayaa kusoo beegantay iyada oo maalmahan ay xukuumada Deni duminaysay guryaha laga dhisey aga-gaarka xarumaha danta-guud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More