Taliyaha Ciidanka Booliska General Xijaar oo amar soo saaray

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa habeenkii xalay aheyd soo saaray amar ku socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa waxa uu ku amray dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay ku ekaadaan shaqadooda oo ah sugidda amniga Shacabka ku sugan Caasimadda dalka ee Mgaalada Muqdisho iyo hantidooda.

Qoraal uu soo saaray Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayuu ku boorriyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay si wanaagsan ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa amarka uu soo saaray waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay caasimadda dalka ay jirtay xiisad ka dhalatay muddo kordhintii la sameeyay, ayna Muqdisho ku sugan yihiin Ciidamo farabadan oo kasoo horjeeday arrintaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More