Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya oo gaaray magaalada Kismaayo

Mar. 06 (Jowhar.com)-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubada Hoose.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha kala duwan ee maamulka Jubbaland, Saraakiil iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Jubbaland.

Ujeedka socdaalka taliya Sulub ayaa lagu sheegay ka qeyb galka shir looga hadlayo amniga oo ka furmaya magaalada Kismaayo, iyadoo taliyaha uu sidoo kale kulamo la qaadan doono saraakiisha ciidamadda.

Waa socdaalkii u horeeyay ee uu Jeneraal Sulub uga boxo magaalada Muqdisho tan iyo markii loo magacaabay xilka taliyaha ciidanka booliska Soomaalyeed

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More