Taliyaha Ciidanka Burundi oo soo gaaray Muqdisho iyo Jen.Odowaa oo kulan la yeeshay

Jun 06 (Jowhar.com)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka xoogga ee dalka Burundi, Genaraal Niyingabo Prime oo safar shaqo ku yimid Soomaaliya.

Jeneraal Odowaa ayaa dhigiisa Burundi warbixin ka siiyay xaalka ay ku shaqeeyaan ciidamadda Soomaalida, isagoo ku amaanay kaalinta ay ka qaataan sugida amniga dalka, maadaama Burundi ay tahay wadanka labaad ee leh ciidanka ugu badan ee Afrikaanta ah ee ka howlgala dalkan.

Taliyaha Ciidanka xoogga ee dalka Burundi, Genaraal Niyingabo Prime ayaa kormeer ku tagay xarunta wasaarada Gaashaandhigga, isagoo amaanay sida dalkan loogu soo dhaweeyay, wuxuuna balanqaaday iney sii laba laabi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed

Howlaha uu dalkan u yimid taliyaha ciidanka Burundi waxaa qeyb ka ah sidii uu kormeer ugu sameyn lahaa xeryaha ciidamadooda ee ku yaala Shabeelooyinka, si uu u dhiiri galiyo shaqooyinka ay dalkan ka hayaan isla mar ahaantaasina niyada ugu dhiso maadaama dhawaan askar badan looga dilay weerar ka dhacay dalkan.

Kooxda Shabaab oo 3-dii bishii hore ee May weerar ku gashay xero ku taala deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Sh.dhexe ayaa ku dishay askar 30 ah una dhashay dalka Burindi, waxaana jiray ciidan kale oo nolosha lagu waayay, iyadoo Burundi isku dayeyso sidii ay ciidamo dheeraad ah ugu soo biirin leheyd howlgalka ATMIS.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More