Taliyaha ciidanka Haramcad oo wafdi ka socday Turkiga kula kulmay magaalada Muqdisho
Mar. 06 (Jowhar.com)-Wafdi Ka Socda Dowladda Turkiga Gaar ahaan Saraakiisha ciidanka Ozel Harekat ayaa maanta Booqasho ku Yimid Xarunta Xerda Haramcad Ee Gen Farxaan Mohamoud Qaroole, Waxaana ay kulan Mirdho-dhal ah la qaateen Hoggaanka Ciidanka sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Mr Müdür Kadir, oo ah xubin sare oo ka tirsan Ozil Harekat ayaa soo booqday Xarunta Taliska Haramacad, lana kulmay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Harmcad Gaashaanle Abdihamiid Abdullaahi maxamad “Fanax, waxaana uu ciidamada ku Bogaadiyay Howlgalada Muhiimka ah ay ka sameeyaan, Sida ay qeyb weyn uga yihiin la Dagallanka Argagixisda.
Mr. Müdür Kadir ayaa ciidamada Haramcad la dardaarmay, kuna ammaanay in ay tababaradii la Siiyay ay si heer sare ugu dhaqmaan, dhanka kalana uu salaan uga Sido Madaxweynaha Dowladda Tukriga Rajab Dayib Odrugan iyo Taliyaha ugu sarreeya Ciidanka Ozil Harekat Ee Turkiga.
Shir gaar ah oo uu dhanka kale la qaatay Hoggaanka Haramcad ayuu ku tilmaamay heerka ay Haramacad joogaan in ay tahay mid lagu faani karo, tababarka ay haystaan uu yahay mid gaar oo aysan cid kasta nasiib u yeelan.
Taliyaha Ciidanka Haramcad Gaashaanle Abdihamiid Abdullaahi Maxamad Fanax ayaa Dhankiisa u mahadceliyay Mr. Müdür Kadir, kaalinta wanaagan ee ay Dowladda Tukriga ku ledahay tababarada ciidamada Soomalaiya Gaar ahaan Harmacad, oo Tababaro wanaagsan ku soo qaadatay Turkiga, kuna guuleystay Howlgalo nafhurid ah oo ay boqolaal jeer sameeya