Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ka hadlayay sababta ay uga soo bexeen furimaha dagaalka
Aug 31 (Jowhar.com)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin ayaa markii u horeysay si faah faahsan uga hadlay sbabaaha ciidamadda xoogga dalka ay uga soo bexeen furimihii dagaalka oo ay ka joogeen qeybo kamida gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Waxa uu sheegay in xeelad dagaal ay eheyd sababta ay usoo baneeyeen furimihii dagaalka, wuxuuna shacabka ku nool degmada Aadan Yabaal ka dalbaday iney difaacyo ka qotaan banaanka magaalada oo ay dajiyaan ciidan macwuusley ah oo deegaanka kasoo jeeda.
“Sidaa ogtihiin ciidamadu waxay ka soo baxeen aagaggii, farsamo jirto ayey uga soo baxeen, marka dadka reer Aadan yabaal waxaa laga rabaa inay is abaabulaan oo Macawiisley ay banaanka ka difaacdo magaalada Aadan yabaal, dadka ha difaacdaan Magaaladaan indhaha ayey isku sii qabsan doontaa hadii maanta lasoo galo oo Shabaab dib ugu soo laabdaan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin.
Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Aadan Yabaal ayaa dhinaca kale ra’iisul wasaaraha u diray fariin ah in dowladda ay il-gaara ku heyso degmadan oo uu tilmaamay mudo kabadan 60 sano oo ay degmo tahay aaney ka jirin wax horumar ah.
“Degmada Aadan Yabaal ragga ka dagaalamay waa ragga ugu waxtarka badan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah Raysal Wasaare, marka waxaan kaa codsaneynaa inaad gadaal u soo fiiriso reer Aadan yabaal” ayuu yiri Taliye Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin.