Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo loo magacaabay Jeneraal Ibraahim

28

Jan 29(Jowhar)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud. Waxa uu bedelayaa Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Waa kuma Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya

Taliyaha cuusb ee ciidanka Xoogga Soomaaliya, Gashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud waxaa uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa hoggaanka Ciidanka Xoogga.

Si gaar waxaa uu ahaa Hoggaanka Taageerada Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (General Support Command), isaga oo xilkan muhiimka ah loo magacaabay sannadkii Juunyo, 2024 kaddib wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa mas’uul ka ahaa ka maareynta farsamo ee ciidanka, isaga oo si gaar ah u kormeerayay bixinta sahayda, agabka difaaca, iyo nidaaminta gaadiidka ciidanka si loo hubiyo in hawlgallada ciidanka qaranku ay helaan taageerada looga baahanyahay furimaha dagaalka.

Maanta, Golaha Wasiiradda ee Soomaaliya ayaa Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed u magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.