Taliyaha iyo gudoomiye xigeenka Guriceel oo ku dhaawacmay weerarka Shabaab ee Bar-ujeed
Oct 15 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday oo saaka kooxda Al-shabaab ay ku qaaday Deegaanka Bar-ujeed ee gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaab si aad ah u abaabulan ay weerar culus ku qaadeen deegaankaasi oo qiyaastii 150KM u jirta magaalada Guircee, halka la weeraray waxaa ku sugnaa ciidamo macwuusley ah oo halkaasi saldhig ku lahaa.
Suxufiyiinta ku sugan halka dagaalka uu ka socdo ayaa kusoo warramaya in dadka weerarka Shabaab ku dhaawacmay uu ku jiro Taliyaha Saldhiga Guriceel Cismaan Huudeey iyo Guddoomiye ku xigeenka Guriceel Shaafici.
Warar aan si madax banaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in dagaal yahanada Shabaab ay mudo kooban la wareegeen deeganaka, wallow laga saaray kadib markii weerar rogaal celis ah lagu qaaday.
Si kastaba, majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amaanka oo ku aadan xadiga khasaaraha iyo cida haatan ku sugan goobihii lagu dagaalamay, waana weerarkii ugu xooganaa oo wayaadan dnabe ay kooxdaasi ku qaado gobola Glgaduud
Bar-ujeed waxa ay u dhaxeeysaa Guriceel iyo Ceelbuur waxa ayna 40km u jirtaa ceelbuur halka Guriceelna ay u jirto 70km.