Aug 26 (Jowhar)Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Suudaan, Jeneral Axmed Ibraahim Cali Mufaddal, ayaa soo gaaray Muqdisho isagoo ku yimid diyaarad Dassault Falcon 900 oo ay leedahay Dowladda Suudaan (ST-PSA).
Taliyaha ayaa kulan gaar ah la taaqay Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, iyadoo laga wada hadlay arrimo la xiriira iskaashiga sirdoonka, amniga, iyo la dagaallanka khataraha caalamiga ah.
Inkasta oo aysan la hadlin warbaahinta, haddana waxa la tibaaxay in ay ka wada-hadlaan iskaashi dhexmara labada dhinac, iyada oo DFS ay hore ula safatay xukuumadda Suudaan kana soo horjeesatay dhaqdhaqaaqa RSF ee uu taageero Imaaraadka Carabta.