Monday, September 7, 2026
Home NEWS Taliyahii Ciidamada Dhulka ee xooga dalka oo gaaray degmada Baardheere

Taliyahii Ciidamada Dhulka ee xooga dalka oo gaaray degmada Baardheere

79

Sept 06 (Jowhar)- Taliyahii Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa gaaray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,halkaas oo Taliyaha iyo saraakiisha uu hoggaaminayay si weyn loogu soo dhoweeyay.

Safarka Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa salka ku haya u kuurgelidda xaaladda amni ee gobolka, kormeerka howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale oo muhiim u ah howlaha ciidanka.