Taliyayaasha ATMIS oo kulan ka yeesha qorshaha dhimista 3,000 oo Askari
Aug. 01 (Jowhar.com)-Taliayayaasha Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ayaa yeeshay kulan ay ku qiimeynayeen wajiga 1aad ee dhimista laba kun oo Askari iyo dardargelinta wajiga 2aad ee lagu saarayo 3,000 oo Askari dhamaadka bisha soo socota ee September.
Taliyayaasha Ciidanka Waddamada; Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia iyo Burundi, ayaa shaaciyay in wajiga 1aad ee wareejinta Saldhigyadii ATMIS ee lagu wareejiay dowladda Soomaaliya uu guuleystay.
Waxaa kale oo ay sheegeen inn ay isla meel dhigeen dhimista wajiga 2aad oo Soomaaliya looga saarayo 3,000 oo Askari.
Waxyaabaha kale ee ay isku raaceen waxaa ka mid ah goobaha wajiga 2aad lagu wareejinayo Dowladda Federaalka ah Ciidankeeda si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalkooda.
Taliyaha guud ee Ciidanka ATMIS Sam Okiding, ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in Ciidamada Dowladda Soomaaliya saldhigyadii ay la wareegeen ilaa hadda gacanta ku hayaan islamarkaana kuwa la soo weeraray ay difaacdeen.
Waxaa kale oo uu sheegay in si waafaqsan qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada midoobey ee howlaha kala guurka Soomaaliya ay dhamaadka September saari doonaan 3,000 oo Askari taas oo tirade ka dhigi doonta 5,000 Askari in laga saaray Soomaaliya 2023 kaliya.