Taliye Mahad Salaad oo soo dhaweeyay ansixinta Aqalka sare ee sharciga NISA
Feb. 22 (Jowhar.com-Agaasimaha guud ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray si weyn ugu mahadceliyay Golaha Aqalka Sare, isaga oo ku bogaadiyay tallaabada ay qaadeen.
Mahad Salaad ayaa ballan-qaaday inuu Sharciganay ansixiyeen ku shaqeyn doono, isla-markaana uu soo celin doono kalsoonidii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Sharcigan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee hay’ada NISA yeelato, iyadoo taliye Mahad Salaad uu noqday taliyihii u horeeyay ee sharci u sameeya hay’ada.
Hey’adda NISA waxay hadda ku biireysa Ciidanka iyo laamaha Amaniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay, inet sharci yeelato waxaa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan, waxaa kaloo jira in Sharciga loo sameeyay NISA uu caddeynayo waxay hey’addan xaqa u leedahay iyo waxay xaqa u laheyn.