Taliye Xijaar iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ku jira hoteelka la weeraray

April 22 (Jowhar.com) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarka caawa lagu qaaday mid kamida hoteelada ku yaala xeebta Liido ee degmada Cabdi Casiis, iyadoo qaraxa kadib la maqlay rasaas culus.

Sida wararka sheegayaan, Xildhibaano kasoo jeeda Gobolka Sool iyo Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa qaraxa lagula eegtay Maqaayadda ku taala xeebta Liido ee caawa la weeraray, iyadoo qof ismiidaamiye ahaa uu weerarkan geystay.

Xildhibaan Cabdi Qowdhan oo kamid mudanayaasha cusub ee Baarlamanka kuna sugnaa hoteelka la weeraray ayaa xaqiijiyay iney bad-qabaan.

“Alxamdulilah Waa Nabadqabna Eebe Hana Amaansado” ayui ku soo qoray bartiisa Facebook, isagoo aan bixin faah faahin intaas ka dheeri.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More